Sen. Abshir Axmad
insert image

Akhriste Soo Dhawoow

Halkani waa barta mareegteyda oo aan goor walba ugu soo gudbinaayo dadweynaha Soomaaliyeed hawlaha uu qabto Xafiiskayga Adeega Dadweynaha. Sidoo kale waxaan bartan idin kula wadaagayaa qormooyinkeyga ka hadlaya fikrada iyo fahamkeyga ku saabsan arrimaha siyaasadda iyo kuwa bulshada ee saameynta ku leh dalkeena iyo dadkeena.

Anigu ma sheeganayo waayo-aragnimo qotodheer, laakiin qofba taagtiis, waxaan isku dayayaa inaan soo kordhiyo aragti cusub oo wax ka bedelaysa fahamka arrimaha siyaasada iyo kan bulshada guud ahaan si loogu gogolxaaro xal u helida iyo maareynta arrimaha ku hor gudban Midnimada iyo Dawladnimada Soomaaliyeed.

Waxa ay gundhig u tahay in la helo dowladnimado la wada-leeyahay oo si rasmi ah uga hanaqaadda taaso u adeegta muwaadiniinta dalkeenna.

insert image

Aniga oo raacaya waajibka xil-gudashadeyda dastuuriga isla markaasna fulinaya ballanqaadyadii tartankii doorashadeyda, ayaan ka furay degmada Cadaado sannadkii 2017 Xafiiska Addeegga Dadweynaha si aan u fuliyo wixii aan kari karo oo qayb ka qaadanaya adeegyada ay u baahanyihiin bulshada reer Galmudug.

Xafiiskani wuu ka madaxbannaan yahay aragti xisbi iyo mid kooxeed mana abaabulo xafiisku kulamo ama hawlo kale oo loogu adeegayo dano siyaasadeed oo ka baxsan Qod. 61aad iyo Qod. 71aad ee Dastuurka Federaalka, waxa uuna u sameysan yahay una furan yahay fulinta iyo fududeynta waajibaadkeyga dastuuriga ah si aan u noqdo adeege dadweyne... Sii Akhri

Xil iska saarista iyo xal u helidda arinta la xariirta Soomaaliland, waa qodob mudnaan gaar ah leh si loo ilaaliyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Federaalku waa nidaamka rasmiga ee dalka, waxa uuna u baahan yahay faham iyo dersid si ay bulshadu qeyb uga noqdaan hirgelintiisa.

insert image