Aniga oo raacaya waajibka xil-gudashadeyda dastuuriga ah isla markaasna fulinaya ballanqaadyadii tartankii doorashadeyda, ayaan ka furay degmada Cadaado sannadkii 2017 Xafiiska Addeegga Dadweynaha si aan u fuliyo wixii aan kari karo oo qayb ka qaadanaya baraaraha iyo bedqabka ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo adeegyada ay u baahanyihiin bulshada reer Galmudug gaar ahaan.
Xafiiskani wuu ka madaxbannaan yahay aragti xisbi iyo mid kooxeed mana abaabulo xafiisku kulamo ama hawlo kale oo loogu adeegayo dano siyaasadeed oo ka baxsan Qod. 61aad iyo Qod. 71aad ee Dastuurka Federaalka, waxa uuna u sameysan yahay una furan yahay fulinta iyo fududeynta waajibaadkeyga dastuuriga ah si aan u noqdo Adeege Dadweyne.
In kasta oo aysan jirin awood dhaqaale iyo caawinaad gacan kale hadana Xafiiskeyga Adeega Dadweynaha waxa uu si maalinle ah uga shaqeeyaa hawlo iyo adeegyo kooban oo waxtar u leh nolosha dadka deegaanka Galmudug kuwaas oo ay ka mid yihiin:
- Sameynta dadaalo lagu caawinayo bulshada Galmudug inteeda taagta daran hadba intii aan awoodo, sida caruurta ka soo jeeda qoysaska barakacayaasha ah oo uu xafiiskeygu u furay dugsi ay wax ku bartaan iyo dadka lixaadka naafada ka ah gaar ahaan indhoolayaasha oo iyagana uu xafiiskeygu u furay machad ay ka bartaan sidii ay u isticmaali lahaayeen kaabayaasha caawiya dadka araga la’ sida usha lagu socdo iwm.
- Isku xirka Xafiiska iyo dadka deegaanka Galmudug si loo xaqiijiyo dhegeysiga cabashooyinkooda guud iyo is xogwareysi ku saabsan horumarinta dadka iyo deegaanka aan ku metalo Dowlada Federaalka.
- Curinta fikrado wax tar u leh bulshada sidoo kale hirgelinta iyo sameynta qorsho hawleedyada adeegyada Xafiiskeyga ee wax ku oolka u ah bulshada deegaanada Galmudug.
Waxaa iga go’an in aan xaqiijiyo sidii uu xafiiskani ugu shaqeyn inta uu kari karo in aanan ka gaaban dadaal kasta oo lagu curin karo fikrad ama adeeg ay ka faa’iideysan karaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug.
Sidoo kale waxaan u baahanahay taladiina iyo taageeradiina si aan uga wada qayb qaadano wax kasta oo aan ku xaqiiji karno danteena guud.