DHALLINYARO!

15-ka Maajo : Xus Iyo Xusuus

15-ka Maajo (May) ee sannad walba oo ah maalin loo asteeyey loona dabbaaldego Maalinta Dhallinyarada Jamhuuriyada Soomaaliyeed waa maalin Xus iyo Xusuus mudan. Waxaana hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee maanta ku damaashaadaysa dhamaan dhulka Soomaaliyeed iyada oo ay jiraan duruufo amni iyo kuwo nololeed.

Dhallinyaro, Xus Iyo Xusuus ka sokow, waxaa mudan in aan isweydiino casharada iyo waayo raganimada hoos ku xusan oo ay 13kii wiil ee dhallinyarada SYL ahaa, ee halyeeyo iyo naftood hurayaal ahaa ay 76 sano ka dib barayaaan jiil kasta oo Dhallinyaro Soomaaliyeed ah:

  • Waxa ay lahaayeen himilooyin cad cad oo ay hiigsanayeen kuwaas oo kala ahaa; Midnimada iyo Gobonimada Ummada Soomaaliyeed.
  • Waxa ay taariikhda Soomaaliyeed ku galeen in ay ahayeen kuwii soo hooyey Libintii xorriyada.
  • Waxa ay hoggaan u noqdeen Ummadda Soomaaliyeed waqti ay ku jireen kadeed, jahaweer iyo xorriyad la’aan uu gumeysigu geliyey iyaga oo u horseeday halgan gu’yaal badan jirsaday ka dib mustaqbal ifaya iyo waayo cusub.

Ugu dambeyntii Dhallinyaro Xuska iyo Xusuusta maalintan waxa ay idiin soo gudbinaysaa farriin culus oo dareen dhalis ah taas oo ah in aad garowsataan xilka culus ee maanta idin horyaala; Dal burbursan,  Dadkiisii Kala Irdhoobay, aan weli loo helin Waayeel Siyaasadeed iyo Dhallinyaro horseed ka noqota halganka maskaxeed ee lagu samato bixinayo dalkaan deriskiisa ka haray iska daa dunida kalee.

Dhallinyaro Taariikhda waa dhaxal aan duugoobin ee Iftiin iyo Ileys u Noqda Gurigaan Maanta Madow.

Close
Close