Xafiiskeyga Adeegga Bulshada waxa kale ee uu fududeeyey deeqo waxbarasho, kuwaas oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah ee ku nool Galmudug iyo qeybaha kale ee dalka. Aniga oo la kaashanaya hay’adda IFTIN, deeqdii waxbarasho ee ugu horeysay ayaa waxaa ka faa’iideystay 137 arday ku nool degmada Cadaado, Godinlabe, Baxdo iyo Camaara. Deeqdan waxbarasho waxaa loogu talagalay ardayda gaartay heerka Dugsiga Dhexe iyo Sare.
Waxaan hay’adda IFTIIN uga mahad celinaayaa howshan waxtarka leh, iyo sida ay ugu fududeeyeen ardayda Galmudug in ay waxbarasho ku helaan deegaanadooda.
Marka laga soo gudbo deeqaha waxbarasho ee xafiiskeyga Adeega Dadweynaha uu ka fududeeyey deegaanada aan kor ku soo xusay, waxa uu sidoo kale u fududeeyey deeqo waxbarasho oo heer jaamacadeed ah ilaa 26 arday oo hada wax ka barata kulliyado kala takhasus duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Waxa aan rajo weyn ka qabaa in fursadaha deeqahan waxbarasho ay ku sii fidi doonaan guud ahaan qeybaha kale ee dalka hadii Eebe idmo.