In kasta oo dadka naafada ah meel kasta oo ay ka joogaan Soomaaliya la kulmaan dhibaatoooyin kala duwan oo ka hor istaaga maareynta arrimaha noloshooda, hadana mar walba waxaa jiri kara dadaalo kala duwan oo lagu garab istaagayo dadkaas naafada ka ah lixaadkooda si ay uga qaybgalaan halganka nolosha.
Hadaba, si aan uga qayb qaato dadaalada lagu garab istaagayo dadkaas gaar ahaan kuwooda ku nool deegaanada Galmudug ayaan furay Machadka Indhoolayaasha Galmudug oo ujeedadiisu tahay awood siinta dadka araga la’ ee Galmudug isaga oo u suurtogelinaya sidii ay u maareyn lahaayeen nolol caadi ah.
Mahcadka ayaa bilowgiisaba ka dhigtay mudnaanta koowaad rajo siinta iyo ka warqabka dadka araga la’ ee ku nool degmada Cadaado kuwaas oo machadku u bilaabay tababaro loogu suurtogelinayo in ay nafsadooda ku tiirsanaadaan marka ay soconayaan iyaga oo uu Machadku siiyey dadka araga la’ ee degmada Cadaado oo gaaraya 15 qof ulaha ka caawiya dadka araga la’ in ay keligood socdaan iyaga oo uu Machadu ku tababaray sidii ay u istcimaali lahaayeen ulahaas.
Ilaa markii la bilaabay adeegyada machadka sannad ka hor, waxa uu machadku ka qaybqaatay isbedelka nolosha hooyooyin arag la’, waayeel, dhallinyaro rag iyo dumarba ah kuwaas oo uu xafiiskeygu u abuuray aduunyo cusub iyo rajo aan soohdin lahayn, iyaga oo dareemay in indho la’aantu aysan qeexi karin qofka iyo rajodiisa.
Hadii Eebe Idmo waxaa xigi doonta adeegaas ulaha socodka iyo tababarkooda albaab kale oo rajo, kaas oo ah rajada Akhris-Qoraalka dadka araga la’, iyaga oo uu machadku u fududeyn doono dadkaas helitaanka iyo isticmaalka nidaamka Akhris-Qoraalka ee loo yaqaan “Braille” kaas oo loogu talo galay dadka araga la’.