Iska Casiladda Xilkii Guddoomiyenimo Ee Goobjoog Media Group

Waxaan iska casiliyaa xilkii gudoomiyenimo ee aan ka hayey Goobjoog Media Group afartii sano ee la soo dhaafay laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 31 Desembar 2016.

Runtii ma ahayn go’aan si fudud loo qaadan karo maxa yeelay aad ayaan uga maqsuuday uguna raaxeystay in aan ka shaqeeyo Goobjoog Media Group iyo in aan maamulo shaqaale dhalinyaro ah oo wada guuleystay kuwaas oo mar walba u dhabaradaygayey in ay Goobjoog guulo is dabajoog ah ku talaabsato.

Gunaanadkii waxaan aad ugu mahadcelinayaa dhamaan shaqaalaha Goobjoog Media Group oo igu gacansiiyey in Goobjoog ay maanta heerkan soo gaarto iyada oo shalay ay Goobjoog daahfurtay telefishan cusub taas oo tusinaysa sida ay Goobjoog Media Group u hanaqaadeyso.

Waxaan aad u aaminsanahay in shaqaalaha Goobjoog Media Group ay si isku duubni ah  horumar u gaarsiin doonaan Goobjoog Media Group isla markaasna aan la i tebi doonin, laakiin ay Goobjoog noqon doonto xusuus mar walba ila socota.

Mar labaad mahadnaq ballaaran & bogaadin ayaan dirayaa dhamaan shaqaalaha Goobjoog Media Group.
Warbixin dheeraad ah aqriso War Saxaafadeedka lifaaqan hoose ku jira:
War Saxaafadeed ka tegista Goobjoog Media Group

Guuleysta Weligiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Close